Imisa caruur ah ayuu nabigu dhalay?
◇ TIRADA AWLAADA NABIGEENA SUUBAN –naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee-
Tirada caruurta nabiga waa 7 (todoba), afar dumar ah iyo seddex raga, dhamman caruurta nabiga waa ay geeriyoodeen wiilal iyo gabdhaba isaga oo nool marka laga reeba marwo Faadumo waxay dhimatay qiyaastii lix bilood ka dib], tafaasiishana way iman doontaa mid kasta oo ka mid ah
◇ Awlaadii nabiga dhanka wiilasha
Nebigu-naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee- waxa uu dhalay saddex wiil oo kala ahaa: Al-Qaasim oo iyaga ugu waynaa nabiga kunyadiisa ahaa, waxaana la oran jiray Abuu Al-Qaasim, Cabdullaahi, iyo Ibraahim. Dhammaantoodna waxay ku dhinteen iyagoo yaryar xikmad uu Eebbe weyne doonay.
Al-Qaasim
Sayidatu Khadiija – Ilaahay haka raalli noqdee – waxay u dhashay nabiga – sallal Laahu calayhi wasallam – wiilkii ugu horeeyay oo ah, dhalashadiisu waxay ahayd ka hor risaalada iyo nabinimada, mana uu noolayn ilaa uu Eebbe kor ahaaye ka qaaday, waxa uu dhintay isagoo ilmo yar oo wakhtigaas ku sigtay inuu socdo oo laba jir ahaa.
Cabdullaahi
Wuxuu dhashay ka dib risaalada Nabiga – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam – sida uu Eebbe kor ahaaye ugu mannaystay Nabiga iyo Hooyadii Mu’miniinta ee Khadiija – Ilaahay haka raalli noqdee – waxaana loogu yeedhay “ al-dhayib al-dhaahir maxaa yeelay wuxuu dhashay risaalada Nabiga – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, xikmad uu Eebbe doonayey awgeedna wuu dhintay, isagoo yar oo wali naaska nuugaya.
Ibraahim
Nabiga -naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ha yeelee- waxa uu ku manaystay Xaaskiisii oo ahayd Hooyadii Mu'miniinta, Maariya Al-Qibtiya-Alle ha ka raalli noqdee- Wiilkiisii Ibraahim, wuxuuna u bixiyey Magacaas isagoo tixraacaya Nabiga Ilaahay. Nabi Ibraahiim-nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- aabbihii nebiyada,aad ayuuna ugu farxay inta kor u qaaday ayuu dhahay "Allaahu Akbar" wuuna u mahad naqay Ilaaha wayn, wuxuuna sadaqeystay miisaanka timihiisa oo lacag ah.
Ansaartii Madiina joogtay waxay ku tartamayeen inay naaska nuujiyaan, waxaana la sheegay inay Khawla bintu Al-Mundhir naaska nuujisay oo ahayd xaaskii Al-Baraa bin Aws bin Al-Najaar, Nabiga wuxuu siiyey islaantii nuujinaysay xoogaa timir ah iyo toddoba neef oo ari ah si ay ugu kaalmeeyaan naas-nuujinta, laakiin ma ay dhammayn naas-nuujintiisa, markaasay kaxaysay ummu Saif oo nuujinaysay.
Nabiguna – naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee – waxa uu u kaxaysan jiray wiilkiisii dumarkiisa si ay u qaadaan oo ay indhahooda ugu dajiyaan isaga – nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee- waxa uu la ciyaari jiray wiilkiisa oo la hadli jiray ilaa uu ka gaadhayo Siddeed iyo toban bilood, Ibraahiim waa uu bukooday ilaa ay naftiisii u gudubtay xagga Eebbe sareeye, markaas ayuu nebigu ka murugooday kala taggiisii, markaasay muslimiintii ka murugoodeen murugadii nebiga markaas ayuu nabigu ku sabirsiiyay Ibraahim hooyadii Maariyah – Ilaahay haka raalli noqdee, waxaanu ku yidhi: (Runtii wuxuu Jannada dhexdeeda ku yeelanayaa murdica), markaasay u maydheen oo ku duugeen Al-Baqiic.

0 Comments