Sida ugu wanaagsan ee quraanka loo xifdin karo
Waxaa jira habab dhowr ah oo kuugu kaalmeyn kara xifdiga qur’aanka kariimka, waana marka bogagga aad dooneyso xifdigooda, kudul akhrida macalin ama sheekh mutqin ah ama xaafid ah.
Habka xifdinta isku xiran
Habkan waa inaad aayad kasta si gaar ah u xafido, ka dibna aad ku xirtid mida ka danbeysa, markasta oo aad aayad cusub baratidba dib ayaad ugu laabani midii ka horeysay oo waad isku soo xidhaysaa, habkan waxa uu kuwa kale kaga duwan yahay xifdigaagu Waa uu saraynayaa laakiin waxay
kaa rabtaa dadaal iyo juhdi badan.
Habka Xifdinta Jamciga
Habkan waa inaad aayad kastaa si gaara u xifdisaa adiga oo aan ku soo xiraynin midii ka horeysay, ilaa qofka uu ka dhamaystiro bog, ka dib ayuu isku soo xirayaa boggii oo dhan, hadii uuna karaynin inuu bogga oo dhami isku soo xiro haaf haaf ayuu isugu xirayaa ilaa uu ka xifido bogga oo dhan.
Habka Xifdinta Qeyb-qeybta
Habkan waa inaad bogii u qeybisaa dhowr qeyb, Tusaala ahaan inaad boggii u qeybiso seddex qeybood oo noqonaysa shan-shan sadar, marka aad xifdisid shanta sadar ee hore ka dib ayaad u gudbeysaa qeybta xigta, marka aad hadana xifdisid shanta dhexe ayaad isku soo xiraysaa, habkan waa mid ka mida hababka ugu fudud Ee quraanka lagu xifdin karo.
Sida ugu wanaagsan ee loo xifdiyo waji ka mid ah Qur’aanka
Habka ugu habboon ee loo xifdin karo dhinac Qur’aanka ka mid ah waa sidan soo socota:
- Akhri wejiga aad rabto inaad xafido toban jeer ama ka badan, adigoo isku dayaya inaad fahanto macnaha ama tafsiirka qeybta aad xifdinayso. Si loo fududeeyo xifdiga iyo fahamka markasta oo aad fananta micnaha aayada waa markasta oo ay kuu fududaato xifdinteeda, iyada oo loo qaybiyo wejiga dhawr qaybood, lana qaybiyo wakhtiga ay suurtagal tahay in la xafido wejiga.
- Akhri qayb kasta oo ku celi ilaa aad ka xifdeyso, ka dibna isku xir dhammaan qaybaha wejiga, markasta oo aad badiso ku cel-celinta waa markasta oo ay kuu fududaato xifdinta,
- Soo akhri dhamaan qeybaha oo isku soo xir, ka dibna iska dhagayso ama qof xaafid ah hakaa dhagaysto ka hor inta aad macalinka ula tagin.
- Marka aad xifdinayso, waxa la door bidaa in lagu bilaabo qaybaha ay u fududahay qofka si uu u xafido. Si uu u helo maxsuul xifdi ah, iyo dhiirigelin uu ku sii socdo, waxaana ka mid ah qaybaha ay isku raacsan yihiin culimadu inay ku bilaabaan fududaantooda awgeed juz camma iyo juz tabaarak, iyo suuradaha qisooyin badan sida Suuratul Baqarah iyo Al Cimraan, Suuratul Yuusuf iyo Suuratul Yaasiin.
Waxyaabaha kugu caawin karo xifdiga quraanka
- Marka aad xifdinayso Quraanka waxyaaba kale haku mashquulin oo diirada saar quraanka oo kaliya.
- Waqti u qaba qeybta aad markaas difdinayso, tusaala ahaan bogii inaad u qabatid 15 daqiiqo.
- Hal musxaf laazim ama kitaab qura joogtay, midaas waxay kaa caawinaysaa inaadqmeelaha aad laaxinka ama qaladka u baratid aad calaamadaysid isla markaana xilliga Muraajacada aad lasocotid.
- Slaadaha ku tuko quraanka aad xifdisay, sida: Hadii aad habeenkii qiyaamu layla ku tukan karto.
- Waqti gaar ah u samee xifdiga sida waqtiyada ku wanaagsan xifdiga slaada fajar ka dib.
- Samayso saaxiib ama asxaab wanaagsan oo kugu dhiiragaliso, hadii aad kaligaa bilowdid waxaa macquul ah inaad ka caajisto isla markaana xiiso kaa noqdo.
- Makaanka ama booska ugu wanaagsan ee aad ku xifdin karto quraanka waa: Masaajidka, waana meesha Allah dhulka Ugu jecel yahay.
- Baryada iyo ducada markasta illahay weydiiso inuu kubaro kuna xifdisiiyo kalaamkiina, kaana mid dhigo ahlul quraan



0 Comments