Qaabka salaada si guud
Waxaa lagama Maarmaan ah salaadaada inay ahaato mid waafaqsan salaadii nabiga (صلى الله عليه وسلم) maxaa yeelay muslimka waxaa la faray in uu u dukado sidii nabiga u dukaday. Hoos waxaa ku qoran sharaxaad ku saabsan sida loo tukado salaadda sida nabigu u tukaday.
- Nabiga eebbe naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha yeele haddi uu doono in uu tukado waa uu isdaahirin jiray, qiblada ayuu qaabili jiray, qalbigiisa ayuu soo xaadirin jiray isaga oo Allah u khushuucsan.
- Ka dib waa uu takbiiran Jiray isaga oo labadiisa gamcood kor u qaadaya lana simaya Garbihiisa.
- Kadibna wuxuu bilaabi inuu akhriyo Faatixada rakcad kasta, iyo wixii u fududaada oo Qur’aanka ka mida labada rakcadood ee hore ee salaadda.
- Ka dibna Waa uu takbiiranayaa isaga oo gacmihiisa la simaya Garbihiisa, waana uu rakuucayaa isaga oo ku xasilaya rukuucda, waxa uuna weyneynayaa eebbe isaga oo oranaya “سبحان ربي العظيم ”
- Ka dibna rukuucda ayuu ka soo kacayaa, istaaga ayuuna ku xasilayaa isaga oo oranay: “ سمع الله لمن حمده، ربنا ولك الحمد حمدا كثيرا طيبا مباركا فيه ”.
- Ka dib waa uu karbiiranayaa Waxa uu u hoobanayaa dhulka xaal uu sujuudayo, isaga oo oranaya “سبحان ربي الأعلى ”.
- Ka dib waa uu takbiiranayaa madaxiisa ayuu kor usoo qaadayaa ilaa uu ka fadhiista, waxa uu goglanayaa lugtiisa bidax tan midigna waa uu taagayaa, faraheeda waxa uu qaabilsiinayaa qiblada, waxa uuna dhahayaa: “رب اغفر لي، رب اغفر لي ”.
- Ka dib waa uu takbiiranayaa waana uu sujuudayaa sida midii hore kale.
- Ka dibna waa uu takbiiranayaa, waana uufadhiisanayaa ka hor inta uuna u kicin lackadaisical labaad, fadhigaana waxaa loo yaqaanaa “جلسة الإستراحة ”.
- Ka dib waxa uu u qumayaa ama u istaagayaa rakcadii labaad, isaga oo cuskanaya labadiisa gamcood, waxaa uu samaynayaa sidee uu sameeyay rakcadiisii koowaad.
- Markaas ayuu u fadhiistaa tashhuudka ama ataxiyaadka ugu horreeya, oo uu akhriyo tashhuudka, ka dib salliga Nabiga eebbe naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha yeelee, haday tahay salaaddu laba rakcad, hadday salaadduna tahay saddex ama afar laab; Rakcada labaad marka uu ka soo kaco sujuudda labaad, qofka tukanaya waxa uu akhriyaa tashahud kaligii isagoon nabiga saligiisa raacinaynin, rakcada u dambaysana waxa uu akhriyaa tashxudka iyo salliga nabiga, waxaanu u salaama naqsanayaa midig ka dibna bidixdiisa.
- Rakcada Seddexaad iyo Afaraad waxa uu samaynayaa wixii uu falay rakcaddii hore, waxa uu akhrinayaa Suurat Al-Faatixa oo kaliya, fadhigiisa u dambeeyana waxa uu taagayaa Lugtiisa Midig, Lugta Bidixna waa uu fidsannayaa, waxa uuna ku fadhiistaa dhulka.
Tirada rakcooyinka salaadaha faralka ah
Marka laga hadlayo tirada rakcadaha salaadaha; Shanta salaadood ee waajibka waxaa ka mida afar laab; Yacni, tirada rakcdeedu waa afar, oo kala ah: duhur, casar iyo cisho, ama saddex. Waa salaadda Maqrib, ama laba rakcadood sida salaadda Fajar

0 Comments